Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararNetanyahu oo markii ugu horeysay bixiyay sababta ku kaliftay inuu aqoonsado Somaliland

Netanyahu oo markii ugu horeysay bixiyay sababta ku kaliftay inuu aqoonsado Somaliland

Ra’iisal-wasaaraha YH Benyamin Netanyahu oo wareysi gaar ah bixiyay ayaa faah faahin ka bixiyay aqoonsiga ay ISRL dhawaan siisay maamulka Somaliland, taas oo dhalisay dood xooggan iyo xiisad diblomaasiyadeed oo gaartay Golaha Ammaanka ee QM.

Wuxuu caddeeyay in ISRL si rasmi ah u aqoonsatay Soomaaliland,isagoo ku nuux nuuxsaday in ay tallaabadan tahay mid lagu taageerayo ” Dal Muslim dhex-dhexaad iyo Dimuqraadi ah”, oo doonaya inuu xidhiidh dhow la yeesho ISRL, iyada oo loo marayo heshiiska Abraham.

Sidoo kale, Benyamin Netanyahu, ayaa wareysigiisa ku sheegay in hoggaaminta nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliland ka jira uu ka duwan yahay midka Soomaaliya inteeda kale, ee uu ku sheegay in aysan ka jirin xasillooni oo argagixiso ay ka jiraan.

“Mr. Netanyahu ayaa sababta uu u aqoonsaday Soomaaliland ku sheegay in Soomaaliland ay ku nool yihiin lix milyan oo muwaadiniin ah, waa muslim casri ah , waxay rabaan in ay ku biiraan heshiiska Abrahan, waxaan filayaa taas ayaa wax wanaagsan ah, waa dimuqraadiyiin oo sameeyay Doorashooyin,” ayuu yiri.

Wuxuu weerar xooggan ah oo afka ah ku qaaday Soomaaliya intee kale, wuxuu ku tilmaamay meel ay ka jiraan argagixiso Shabaab, wuxuuna yiri” Ma garanaayo goorta ugu dambeysay oo ee doorasho dhab ah ay qabtaan. malahanwaa tobannaan sanno, argagixiso badan ayaa halkaas imaanaya.

Aqoonsiga aan aqoonsiga ka haysan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo caalamka ayaa xiisad ka dhex abuuray gobolka, waxayna inta badan dalalka “Viitow powerka” ku leh Qaramada Midoobay ay si cad u diideen tallaabadan wax loogu dhimayo madax bannaanida iyo wadajirka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments