Wednesday, October 28, 2026
Google search engine
HomeWararDE DEG:- MD Xasan Sheekh oo Deg deg u soo laabtay &...

DE DEG:- MD Xasan Sheekh oo Deg deg u soo laabtay & shirar xasaasi ah oo ka socda V/Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo safar kooban ku soo kala bixiyay dalalka Jabuuti iyo Turkiga ayaa xalay dib ugu soo laabta dalka, isagoo dalalkaas uu tegay kala soo hadlay xiisadda siyaasadeed ee taagan iyo sidii loogu garab istaagi lahaa fashilinta aqoonsiga Somaliland ka heshay ISRL.

Madaxweynaha ayaa durba isla xalay bilaabay kulamo xasaasi ah uu la yeelanayo xubnaha xukuumaddiisa, isagoo u yeeray wasiirka arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ka dib wadahadallo uu madaxweynaha la soo yeeshay safiirada gobolka geeska.

Sidoo kale, xogo hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya madaxweynaha Xasan Sheekh iyo RW Xamsa ay qorsheynayaan isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada, iyadoo laga jawaabayo xaaladaha cakiran ee iminka soo kordhay.

Waxaa suurgal ah inoo soo baxo dhawaq kale oo ku aaddan aqoonsi ay hesho Somaliland, kaas oo laga filaayo mid ka mid ah Dowladaha deriska gaar ahaan Itoobiya oo dooneys in ay ku soo aaddiso labo sanno ka dib heshiiska MOU-da oo ay la gashay Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments