Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararFaah faahino laga helayo meesha lagu xiray Nicolás Maduro

Faah faahino laga helayo meesha lagu xiray Nicolás Maduro

Waxay warar dheeraad ah ka soo baxayaan meesha lagu xiray madaxweynihii Venezuela, Dhowr warbaahin oo Mareykan ah ayaa ku warramaya in madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro la geeyay xarun lagu xiro dadka oo lagu magacaabo Brooklyn’s Metropolitan Detention Center (MDC).

Sida wararku sheegayaan waxaa la fahamsan yahay in lagu hayn doono xarunta ka hor inta aan lagu soo oogin eedeymaha daroogada iyo hubka ee maxkamada federaalka Manhattan todobaadka soo socda.

Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlay soo qabashada Maduro, ayaa tilmaamay in Mr. Maduro uu ku jiro gacanta Dowladda Mareykanka lana geeyay xabsi si halkaas loogu sii haayo inta maxkamad laga soo taagayo.

Ma cadda xogta ku aadan xiritaanka xaaska Maduro. MDC waa xabsiga kaliya ee federaaliga ah ee ku yaal magaalada New York waxayna caan ku tahay maaraynta kiisas badan oo caan ah, oo ay ku jiraan heesaagii R Kelly, saaxiibka Jeffrey Epstein Ghislaine Maxwell, iyo kiiskii ugu dambeeyay Sean “Diddy” Combs.

Xabsiga ayaa sidoo kale caan ku ah xaalad adag, gacan ka hadal iyo eedeymo la xiriira kormeerid aan ku filneyn oo ay ka mid tahay kiiska eedaysane marar badan mindi lagu dhuftay balse sida la sheegay aan helin wax daryeel caafimaad ah, taas bedelkeedana waxaa la sheegay in xabsiga lagu xiray 25 maalmood.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments