Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararSheekh Shariif oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

Sheekh Shariif oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay madasha sanadlaha ee Machadka Heritage ayaa si adag uga hadlay xaaladda dalka uu marayo, dagaalka diblomaasiyadeed iyo sida ay Villa Soomaaliya isaga indho-tireyso daruufaha adag ee dalka ka jira.

Shariic Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in wax ka beddelka Dastuurka, nooc Doorasho oo heshiis lagu ahayn iyo dhageysi la’aanta madaxweynaha ee siyaasiyiinta ka ra’yi duwan sii shidaalineyso xaaladda cakarin ee amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in hadda aan la aqoon meesha uu dalka u socdo iyo waxa dhici kara haddii ay muddo xilleedka Dowladda dhammaado, iyadoo heshiis la ahayn.

‘’ Doorasho lagama heshiis hadda, dalka meesha uu u socdo ma fiicno, wixii shalay lagu kala tegay ayaa socda hala joojiyo haloo soo noqdo wixii heshiiska lagu ahaay, waxaan filaa in fariintaas aad u caddahay,’’

Madaxweyne hore ee Sheekh Shariif ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo uga digay muddo kororsi iyo muddo xilleedka Dowladda qalooc iyo kuu joojin maayo lagu dhammeeyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments