Wednesday, October 28, 2026
Google search engine
HomeWararMuxuu yahay Ujeedka safarka RW Xamsa ku tegay Dhuusamareeb?

Muxuu yahay Ujeedka safarka RW Xamsa ku tegay Dhuusamareeb?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweyne ku-xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb ka qeybgali doona Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, oo sannadkan diiradda lagu saarayo arrimo la xiriira siyaasadda, amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulamo la yeelan doona hoggaanka Maamulka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhageysan doona aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aaddan nabadda, horumarka iyo midnimada dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments