Somaliland ayaa diiday eedaymo loo soo jeediyay oo ahaa inay ogolaatay in deegaannadeeda xarumo Militari ka siisay ISRL iyo dib u dejinta Falastiiniyiinta laga barakiciyay Qaza si ay Israel u aqoonsato.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Khamiistii meesha ka saartay sheegashadaas oo ay ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn, iyadoo sheegtay in la macaamilka ay la leedahay Israa’iil ay tahay “diblomaasiyad kaliya” si buuxdana u ixtiraameyso sharciga caalamiga ah
Diidmadan ayaa jawaab u ah eedaymo Somaliland uga yimid madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u sheegay Aljazeera in Somaliland aqbashay saddex shuruudood oo kala ah: Dib u dejinta Falastiiniyiinta, in saldhig milatari laga sameeyo xeebaha gacanka cadmeed iyo ku biirista heshiiskii Abraham si loo caadiyeeyo xidhiidhka Israa’iil.
Warnixino horay loo shaaciyay ayaa tibaaxaysay in Somaliland ay xiiseyneyso xiriir diblomaasi oo la sameysato ISRL, iyadoo ku beddelaneysa aqoonsi, balse, ayada laga donayo in ay ogolaato in muwaadiniin Falastiniyiin ah oo laga soo raro deegaanadooda la dejiyo qeybo ka mid ah Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa uu sheegay inaanay jirin wax wada-hadal ah oo arrintan laga yeeshay balse ay ka gaabsadeen inay diidaan suurtogalnimada, si ka duwan dalalka kale ee lagu xamanayo inay dani ugu jirto Israa’iil.
Kaliya shuruudda kama dambaysta ah ayaa si cad loo aqoonsaday.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Salaasadii xaqiijiyay in Somaliland ay ku biiri doonto heshiisyada, isagoo u sheegay warbaahinta Maraykanka ee Newsmax inuu doonayo “in uu taageero dal dimuqraadi ah, dhexdhexaad ah, waddan Muslim ah, oo doonaya inuu ku biiro heshiiskii Abraham”.
Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaan todobaadkii hore, taasoo soo afjartay in ka badan soddon sano oo ay ku guul-darraysatay dalabyo ay ku doonaysay maamulka gooni-goosadka ah ee Soomaaliya.
‘Daboolida ujeedooyinka Israa’iil’
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa qorsheynaya booqasho rasmi ah oo uu ku tagayo Israa’iil toddobaadyada soo socda, sida ay tebisay warbaahinta ISRL.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in toddobaadka labaad ee bishan janaayo uu madaxweyne Cirro qorsheynayo inuu safar ku tegayo ISRL, xilligaas oo Cirro si rasmi ah u saxiixayo heshiiska Abraham.
Netanyahu ayaa markii hore ku martiqaaday Cirro mar uu ku jiray wicitaan muuqaal ah oo uu ku shaacinayey aqoonsiga labada dhinac.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka digay in aqoonsiga Israel “uusan ahayn tilmaan diblomaasiyadeed oo kaliya balse uu qarinayo ujeedooyinka istiraatijiyadeed ee gaarka ah ee Israel”.
Waxa uu ku andacoodey in Israa’iil ay “dhibaatada Qaza” u dhoofin doonto Geeska Afrika wuxuuna ku tilmaamay tillaabadan mid fureysa “sanduuq shar ah oo adduunka ah”.
Ujeedooyinka ay Israa’iil ka leedahay in ay si lama filaan ah u aqoonsato Somaliland ayaan weli caddayn, inkasta oo dadka wax falanqeeya ay tilmaamayaan mawqifka istaraatiijiga ah ee gobolka ee marinka laga galo Badda Cas ee ka soo horjeeda Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo xannibaad dhinaca badda ah ku soo rogay maraakiibta xidhiidhka la leh Israa’iil ka hor xabbad-joojintii uu Maraykanku gar-wadeenka ka ahaa Qaza, isla markaana gantaallo ku garaacay Israa’iil.
Sida lagu sheegay warbixin bishii November ee uu soo saaray machadka daraasaadka amniga qaranka Israa’iil, “Dhulka Somaliland waxa uu u adeegi karaa saldhig horudhac ah” oo lagu kormeero sirdoonka Xuutiyiinta iyo “goob hawlgal toos ah” oo iyaga ka dhan ah.
Xuutiyiintu waxay sheegeen horraantii toddobaadkan in joogitaanka Israa’iil ay noqon doonto bartilmaameed, hadal uu madaxii hore ee sirdoonka Somaliland, Mostafa Hasan, ku sheegay in uu u dhigmo iclaam dagaal.
Cambaarayn iyo walaac
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa Arbacadii u muuqday mid hoos u dhigay walaaca gobolka, isaga oo u sheegay I24NEWS ee Israa’iil in inkasta oo waddamada qaar “qaadeen dareen ah in Israa’iil ay xidhiidh samaysato uu sababi doono burburkooda”, haddana cabsida caynkaas ahi waxay ahayd mid aan sal lahayn.
Aqoonsigan ayaa dhaliyay caro baahsan oo ka jirta guud ahaan Soomaaliya, iyadoo tobanaan kun oo qof ay isugu soo baxeen 30-kii December waddooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusomareeb, Laascaanood iyo magaalooyin kale, iyagoo lulaya calanka Soomaaliya, waxayna dalbanayaan midnimo.
In ka badan 50 dal ayaa cambaareeyay tallaabada Israa’iil, halka Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay sheegeen in la ixtiraamo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
In kasta oo dib-u-dhacyadaasi dhacay, haddana madaxweynaha Somaliland waxa uu kal-sooni ka muujiyey habeenka sannadka cusub in “wadamo badan oo kale ay dhawaan si rasmi ah u aqoonsan doonaan Jamhuuriyadda Somaliland.”
Maamulka Somaliland (Gobolladda Waqooyi), ayaa ku dhawaaqay in uu ka go’ay Soomaaliya 1991-kii xilligaas oo ay socdeen dagaallo sokeeye, balse waligiis ma uusan helin aqoonsi caalami ah, inkastoo ay weli haystaan maamul, lacag iyo ciidan.
Soomaaliya ayaa diiddan in Somaliland ka go’day Soomaaliya inteeda kale.



