Wednesday, October 28, 2026
Google search engine
HomeWararAl-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday duleedka Warsheekh

Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday duleedka Warsheekh

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ku bilowday oo maleeshiyada kooxda Al-shabaab ay saakay ku qaadeen duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Dowladda.

Weerarka ayaa wali socda, waxaana la maqlayaa rasaas iyo qaraxyo xooggan, waxayna ciidamada Xoogga Dalka saakay la kulmeen weerar qaraxyo ku bilowday, waxayna bixiyeen dadaal xooggan oo ay isaga caabinayaan maleeshiyada Al-shabaab.

Dagaalka oo wali socda labadana dhinacna waxaa gaaraya gurmadyo xooggan, Dagaalka oo xooggan waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda Khawaarijta oo war ka soo saartay dagaalka ayaa guulo ka sheegtay, dhinaca kale, saraakiisha Dowladda ayaa guulo ka sheegtay weerarka, mana jiro ilo madax bannaan oo xaqiijin kara xaqiiqda dagaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments