Dowladda Mareykanka ayaa baadi-goobeysa shaqsiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarijta AS, kuwaas oo ka dambeeyay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Weerarkan oo dhacay 24-bishii November 2025, ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afrikaanka ah ee ku sugan gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee ( Sayid Mohamed Abdulle Hassan International Airport), iyadoo weerarkaas loo adeegsaday Gantaalo iyo radaas culus.
Barnaamijka Cadaaladda ee Mareykanka ayaa bixinaya lacag ku dhow hal Milyan $( 1,000,000), ciddii keenta xog ku saabsan weerarka iyo shaqsiyaadkii ku lug lahaa, waxayna xogaha qaar sheegayaan in xukuumadda Washintong ay ku daba jirto raggaan sidii loo soo qaban lahaa ama loo khaarijin lahaa.
Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ayaa geeska Afrika kula dagaalameysa kooxaha argagixisada, kuwaas oo khatar ku ah amniga gudaha, midka gobolka iyo guud ahaan caalamka, waxayna duqeymo ka geystaan goobaha lagu tuhmo horjoogayaaha Khawaarijta, qaarkoodna weeraradaas lagu dilay oo ay amiiro ku jiraan.
Dowladda Soomaaliya oo kaashaneyso saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa dadaal adag kula jirta Khawaarijta, kuwaas oo fuliya weeraro gaadko ah oo dhan ah ciidamada Dowladda iyo kuwa Afrikaanka ah ee ku sugan Soomaaliya.