Turkiga ayaa Axaddii u diray Soomaaliya markabkiisa qodista shidaalka ee gunta badda ee lagu magacaabo Cagri Bey, taas oo wasiirka tamarta ee dalkaas uu ku tilmaamay howlgalkii ugu horreeyay ee Ankara ay baaritaan shidaal uga samayso bannaanka aagga baddeeda.
Alparslan Bayraktar, oo tallaabadan ku sifeeyay “daqiiqad taariikhi ah” oo ku saabsan dadaallada Turkiga ee baaritaanka saliidda iyo gaaska, ayaa sheegay in markabku uu bisha Abriil Soomaaliya ka bilaabi doono qodista ceelka Curad-1.
“Markii ugu horreysay, markabkeenna qodista gunta badda wuxuu u baxayaa hawlgal ka baxsan (aagga baddeenna),” ayuu yiri Bayraktar xilli uu ka hadlayay xaflad ka dhacday dekedda Tasucu ee gobolka Mersin ee koonfurta Turkiga.
Wuxuu sheegay in Cagri Bey, oo dhawaan ku soo biiray maraakiibta qodista ee Turkiga, la filayo inuu Soomaaliya ku gaaro qiyaastii 45 casho, isagoo intaas ku daray inay galbin doonaan saddex markab oo ah kuwa dagaalka ee ciidanka badda Turkiga.
Turkiga wuxuu hiigsanayaa inuu soo saaro 500,000 oo fuusto oo saliid ah maalintii ama wax u dhigma marka la gaaro sanadka 2028-ka, ayuu yiri Bayraktar, isagoo raaciyay inay Ankara rajaynayso inay cadadkaas labalaabto iyadoo loo marayo sahminno iyo heshiisyo wax-soo-saar qaybsi ah oo ay dalalka dibadda la gasho.



