Wednesday, March 4, 2026
Google search engine
HomeWararShuruudaha horyaala shir Wadatashi oo madaxweynaha JFS oo iclaaminayo

Shuruudaha horyaala shir Wadatashi oo madaxweynaha JFS oo iclaaminayo

Sida sheegayaan xogo hoose oo aan heleyno madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo socda uu ku dhawaaqay shir wadatashi oo u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Mas’uuliyiin ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Shabakadda NAALO u sheegay in shirkan ditaaradda lagu saarayo xaaladda dalka iyo heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka oo iminka muran xooggan ay ka taagan yihiin. Wuxuuna iclaaminta shirkan ku soo aadaya kadib shirkii Isbaheysiga Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka bishii hore ee Disembar ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Golaha ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ugu qabtay inay 20-ka bishan Janaayo isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda ama in Golaha Mustaqbalka guda geli doono sidii loo qaban lahaa doorasho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhoweeyay wadahadal uu la galo Mucaaradka, wuxuuna kulan gaara la yeeshay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, isagoo ka codsaday inuu kala shaqeeyo qabanqaabada shirka.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wadaa qorshe u gaara oo ku saabsan shirweynaha la filayo in uu ku dhawaaqo.

Sida xogta lagu helay ujeedooyinka ugu weyn ee baaqa Madaxweyne Xasan Sheekh xambaarsanaan doono ayaa kala ah:

– Inuu ku dhawaaqo shir wadatashi oo gogoshiisa ka furan tahay caasimadda Muqdisho..

– Inay gogosha u furan tahay Mucaaradka iyo siyaasiyiinta taageersan iyo qeybaha bulshada..

– Iyo in qodobadda laga wadahadlayo ay ka mid noqdaan Arrimaha masiiriga ah sida; Midnimada dalka iyo Dagaalka Alshabaab.

Mucaaradka ayaa kaliya ma doonayaan ku dhawaaqista gogol wadatashi, waxayna diiradda saarayaan in laga heshiiyo qodobada shirka looga hadlayo oo intiisa badan quseeyo arrimaha Doorashooyinka in laga noqdo beddelkii lagu sameeyay Dastuurkii heshiiska lagu ahaa (2012) iyo in la casuumo madaxweynayaasha Puntland, Siciid C/llaahi Deni iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments