Wednesday, March 4, 2026
Google search engine
HomeWararWasiiro tegay furimaha hore ee dagaalka

Wasiiro tegay furimaha hore ee dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha,  Cali Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta gaaray deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, si dib-u-dejin loogu sameeyo qoysaskii ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka dumisay guryahoodii, kana barakicisay deegaannadan.

Ujeeddada socdaalka mas’uuliyiinta ayaa ahayd fulinta ballanqaadkii Dowladda ee xasilinta deegaannada laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana la dardargeliyo howlaha dib-u-soo-kabashada bulshada.

Dadka deegaanka ayaa lagu wareejiyay guryo cusub oo la dhisay kaddib xoreyntii deegaannadan. Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay raashin iyo adeegyo gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee ku nool deegaannadaas, si loo xoojiyo nolol-maalmeedka bulshada loona dardargeliyo dib-u-dhiska deegaannada xorta ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments