Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararQaraxyo waa weyn oo laga maqlay caasimadda Venezuela ee Caracas

Qaraxyo waa weyn oo laga maqlay caasimadda Venezuela ee Caracas

Qaraxyo ayaa la maqlay, qiiq ayaa cirka isku shareeray caasimadda dalka Venezuela ee Caracas, sida ay ku soo waramayaan wariyaasha caalamiga ah ee ku sugan dalkaas.

Muuqaal fiidiyow ah oo ay heshay warbaahinta ayaa muujinaya dab qabsaday qiiq weyn oo ka soo baxaya dhisme ku dheggan meel Keyd biyo ah oo ku taal magaalada Caracas subaxnimadii maanta oo sabti.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow ama agagaarka Fortuna, oo ah saldhigga ugu weyn ee milatariga Caracas.

“Fortuna waa saldhig ciidan oo muhiim ah, qaraxyo is xigxigay ayaa la sheegay in laga maqlay aagga oo dhan ka dibna uu dab ka kacay,” ayuu yiri Newman.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jirto “malo-awaal” ah in Maraykanku uu ku lug leeyahay dhacdada.

Wakaalada wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in ugu yaraan todobo qarax iyo guuxa diyaarad ojoog hoose ku duulaya laga maqlay caasimada.

Maalmihii la soo dhaafay, madaxweyne Maduro ee Venezuela wuxuu muujiyay in Venezuela ay u furan tahay inay kala xaajooto Mareykanka heshiis lagula dagaallamayo ka ganacsiga daroogada, xitaa isagoo ka aamusay weerar ay CIA-da ku qaadday dalkiisa usbuucii hore.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments