Wednesday, March 4, 2026
Google search engine
HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay maxaabiista ku kala xiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay maxaabiista ku kala xiran Laascaanood & Hargeysa

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira Maxaabiista ay kala haystaan maamulada Somaliland iyo Waqooyi Bari, kuwaas oo horay ugu dagaalamay Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay in la sii daayo dhallinyarada xiran ee arrimaha siyaasadda xabsi ugu jira, wuxuuna tallaabadaas ku tilmaamay mid nasiibdaro ah.
Sidoo kale, wuxuu balan qaaday in ay ka shaqeyn doonaan sidii ay maxaabiista isku dhaafsan lahaayeen labada maamul, si ay xorriyadooda u helaan Dhallinyarada Soomaaliyeed ee siyaasadda qaldan u xiran.
” Waxaan idinku garab istaagayaa sii wadidda nabadda iyo dib u heshiisiinta oo ay ugu horeyso isweydaarsiga maxaabiista ku xiran labada dhinac, xoriyadda wiilasha Soomaaliyeed ee ka dhan kasta ku xiran cudur daar looma haayo sii xirnaantooda”
Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo uu madaxweynaha ka yahay Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa horay uga madax adeegayay inuu sii daayo maxaabiista ku xiran magaalada Laascaanood, kuwaas oo loo hayo arrimo siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horay uga baaqday safarka Laacscaanood sababo la xiriira in ay madaxweyne isku fahmi waayeen isdhaafsiga maxaabiista u kala xiran isaga iyo Cirro, waxaana safarka madaxweynaha soo dedejiyay tallaabada lama filaanka ah ee lagu aqoonsaday Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments